Jaamacadda Carabta oo si weyn u garab istaagtay Dowladda Soomaaliya.

0
60

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Baxreyn ayaa mar kale lagu xaqiijiyay bayaan laga soo saaray in ay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin madax-bannaanida,wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo midnimada loogana hortaggo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

waxaa soo jeedineynaya : – Cabdicasiis Xasan.