Tartanka Gooldhalinta & Maalinta Ugu Dambaysa Premier League.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Erling Haaland ayaa sii dheeraystay hogaanka gooldhalinta premier League.

Haaland ayaa qarka u saaran in uu ku guulaysto gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Xiddiga Erling Haaland ayaa dhaliyay 27 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Chelsea ee Cole Palmer kaas oo dhaliyay 22 gool horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga Newcastle ee Alexander Isak kaas oo dhaliyay 20 gool.

Waxa ku xiga xiddigaha Solanke Iyo Watkins kuwaas oo dhaliyay min 19 gool horyaalka premier League.

  1. Erling Haaland (Man City) 27 Gool
  2. Cole Palmer (Chelsea) 22
  3. Alexander Isak (Newcastle) 20
  4. Dominic Solanke (Bournemuth) 19
  5. Ollie Watkins (Aston Villla) 19