Burcad badeed soomaali ah oo weeraray markab shidaal oo gacanta lagu dhigay.

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka cadmeed.

Saraakiisha ciidanka badda ee Midowga Yurub ee hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay ragga burcada Soomaalida ah ayaa sheegay in raggaas ay weerareen markabka oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, kaasi oo ku socdaalayay gacanka cadmeed.

waxaa soo jeedinaya : – Abdiwali Axmed Hilowle.

 

 

Waxaa SooJeedinaya :- Abdiwali Tima Cadde.