Dowladda Sri Lanka oo askar looga laayay dalka Ukraine

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska dalka Sri Lanka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 askari oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada dalkaasi ay ku dhinteen iska horimaadyada ka socda dalka Ukraine.

Afhayeen u hadlay booliska dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay hayaan warar sheegaya in in ka badan siddeetan askari oo hore uga tirsanaan jiray milateriga loo qoray kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Inta badan waxaa la rumeysan yahay inay u dagaalamayaan Ruushka.