Dowladda Ciraaq oo Baaritaan ku Billowday kooxdii dishay Gabadh Tiktok Caan ka aheyd

0
47

  Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Om Fahad oo saameyn ku lahayd baraha bulshada ee Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahintu.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Zayne ee bariga magaalada caasimadda ah Jimcihii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in “Haweeney caan ka ahayd baraha bulshada” ay dileen kooxo aan la garanayn.

Waxa ay intaa ku dartay in la sameeyay “koox gaar ah” si ay u baaraan xaaladaha ku xeeran dhimashadeeda.

Om Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi, ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay gaari ay wadatay nin hubeysan oo watay Mooto.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Ciraaq ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ninka weerarka geystay uu u muuqday mid iska dhigayay inuu raashin geynayey.

Wakaalada wararka ee Al Hurra ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa dhanka kale sheegtay in haweeney kale ay ku dhaawacantay weerarka.

Om Fahad waxa ay caan ka noqotay TikTok iyada oo soo bandhigi jirtaymuuqaalada qoob ka ciyaarka.

Horraan waxa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah kadib markii ay baahisay muuqaallo ay maxkamaddu sheegtay in ay wax u dhimayaan “anshaxa dadweynaha”.