Toddoba qof oo ku dhimatay dalka Itoobiya.

0
72

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Dhisme laga dhisayay magaalada caasimadda ah ee Itoobiya ayaa dumay, waxaana ku dhintay toddobo qof oo oo jiifay guri daris la ah.

Masiibadan ayaa waxay ka dhacday aroornimadii Arbacada abbaare 05:00 xilliga maxalliga ah (02:00 BST) magaalada Addis Ketema, oo ka mid ah xaafadda ugu mashquulka badan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Nigatu Mamo, oo ah afhayeenka maamulka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan carruur da’doodu tahay afar jir, 11 iyo 12 jir.

“Dadka dhintay waxay naftooda ku waayeen hawo la’aan,” ayay intaasi ku dartay Nigatu Mamo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada booliska ay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay ikn dhismuhu dumo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo aaggaasi uu la kulmo dhacdo noocan oo kale ah – sannadkii 2022-kii ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dhismo ku soo ddumay magaalada Marka, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn Afrika ee furan.