Qaramada Midoobay oo ku baaqday in magdhaw la siiyo dadka la addoonsaday.

0
52

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday.

Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD).

Volker, ayaa codkiisa ku biiray baaqyo iyo cadaadis isa soo taraya oo loogu baaqayo dalalki reer Yurub ee addoonsi ahaan uga ganacsaday dadka madow ee asal ahaan kasoo jeeday Africa, kuwaas oo loo iib geeyay meelo badan oo dunida ah.
Taageerada loo hayo baaqyada magdhawga arrintaan ayaa kusii xoogeysanaya dalalka Africa iyo kuwa kariibiyaanka, kuwaas oo riixaya in Qaramada Midoobay ay dhisto maxkamad arrintan u gar-qaadda si lacago magdhaw ah ama baddal kale loo siiyo awlaadda dadki laga soo ganacsadat ee madoobaa.