Wajiga koowaad ee doorashada Hinida oo soo xirantay

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Malaayiin Hindi ah ayaa Jimcihi shalay codkooda ka dhiibatay, wajiga koowaad ee doorashada baarlamaaniga ah ee Hindiya oo ah tan ugu ballaaran ee guud ahaan caalamka.

Ilaa 166 milyan oo ruux ayaa la sheegay in ay ka codeeyeen 21 gobol oo ku yaalla waqooyi bari ilaa koofurta, kuwaas oo ay ka sharaxanyihiin 102 mudane.

Ka hor inta aysan xirmin goobaha codbixinta Jimcihii, guddiga doorashada ayaa sheegay in tirada codbixiyeyaashu ay u dhexeysay 40 boqolkiiba gobolka ballaaran ee waqooyiga ee Bihar, halka gobolka yare e Tripura ee dhaca waqooyibari ay dadka u soo baxay gaareen ilaa 68 boqolkiiba.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid afti u ah Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo doonaya in markiisii saddexaad uu ku guuleysto doorashada. Hase yeeshee xisbigiisa Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa loolan adag la gali doona in ka badan 12 xisbi oo isu tagay kuwaas oo wacad ku maray in ay badbaadin doonaan hey’adaha dimoqraadiga ee Hindia.

Saadaasha ayaa muujineysa in xisbiga BJP uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, waloow aysan dadka ku qanacsaneyn heerka shaqa la’aanta oo aad u sarreysa, cabburinta iyo gacanta adag ee ay dowladdiisu kula dhaqantay dadka laga tirada badanyahay, gaar ahaan Muslimiinta.