Xiddigaha Chelsea Oo Dirqi Lagu Kala Qabtay Kulankii Everton, Sabab.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar ka mid xiddigaha kooxda chelsea ayaa dirqi lagu kala qabtay in ay isku gacan qaadaan intii ay socotay ciyaartii Everton.

Xiddigaha Nicolas Jackson iyo Noni Madueke ayaa rikoodhada ku qabsaday xiddiga Cole Palmer intii ay socotay ciyaartu.

Palmer ayaa wacdaro dhigay kulanka ka dhacay Stamford Bridge isaga oo dhaliyay saddexley qaybtii hore ee ciyaarta.

Laakiin Palmer ayaa doonayay in uu dhaliyo 4 gool kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Laakiin xiddigaha weerarka uga ciyaara chelsea ee Nicolas Jackson iyo Noni Madueke ayuu mid walba doonayay in uu dhaliyo gool waxana ay wada doonayeen rikoodhadaas.