Hogaamiyayaasha G7 oo dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan ee Israel

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hogaamiyayaasha G7 ayaa cambaareeyay weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil, waxayna dib u xaqiijiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin Tel Aviv, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Waxay kaloo sheegeen inay ka shaqayn doonaan sidii loo dejin lahaa xaaladda Bariga Dhexe.

” Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha G7.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in uu rajaynayo in Israa’iil ay muujin doonto inay isxakameyso.