Iran oo la wareegtay markab xamuul ah.

0
84

JOwhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada maraakiibta.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.