Maxkamad ku taal Kenya oo fasaxday isticmaalka iyo iibka shiishadda.

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamadda ku talla magaalada Nairobi ayaa go’aamisay in mamnuucidda shiishada ee dalka Kenya ay tahay mid aan sharci aheyn, waxaana la sii daayay 48 qof oo loo xiray in ay iibinayeen ama cabayeen shiishadda bishii Janaayo.

Garsoore sare, Joe Mkutu ayaa khamiistii go’aamiyay in aysan jirin sharci dalka ka mamnuucaya isticmaalka, sameynta iyo iibka shiishadda.

Go’aanka maxkamadda waxaa lagu xusay in wasaaradda caafimaadka aysan raacin amarkii maxkamadda sare ee 2018-kii.

Amarka waxa uu ahaa in wasaaradda caafimaadka ay xeerka cabista shiishadda si rasmi ah ugu dirto baarlamaanka si loo ansixiyo balse taasi lama sameyn.

Tani waxay ka dhigan tahay kiis kasta oo dambi ah ama eedeymaha ku saleysan xeerar aan rasmi ah aan loo adeegsan karin in lagu dacweeyo dadka caba, kuwa sameeya ama kuwa ka ganacsada shiishadda
Garsoorka waxa uu sheegay in faahfaahinta eedaha loo haystay 48 qof in aysan waafaqsaneyn xeerka 134 ee habka ciqaabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here