Markab gargaar oo ka yimid Spain oo kusii jeeda Gaza.

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Markab kuwa gargaarka ah oo laga leeyahay Spain oo sida 200 oo tan oo ah cunto gargaar ban’aadannimo ah ayaa ka soo shiraacday Jasiirada Qubrus kuna sii jeeda Gaza maanta.

Markabkan ayaa noqonaya dedaalkii u danbeeyey ee lagu rabo in lagu quudiyo tobanaan kun oo qof oo ah Falastiiniyiin macaluuli hayso, xili dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas uu weli socdo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 20,000 oo caruur ah oo Gaza ku nooli ay u dhinteen macaluul, xilli magaalada uu ka socdo dagaalka Israel iyo Xamas.

Dhakhaatiirta ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in tiro kale oo intaas ka badani ay la nool yihiin xanuunada maskaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here