Nin Qudha iska jaray dabaaldegga arooskiisa

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liam Trimmer oo 29 jir ah ayaa si kama ah iskaga jaray xididka halbowlaha ee qoortiisa, shilka ka dhacay gurigiisa oo ku yaal Galbeedka Australia.

In kasta oo dadka qaraabada la ahi ay isku dayeen in ay badbadaiyaan , Mr Trimmer ayaa dhintay wax yar ka hor inta aanay dhakhaatiirta caafimaadku iman, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Asxaabtu waxay yiraahdeen sarkaalkan sare ee booliska ahi waxa uu ahaa “sarkaal aan caadi ahayn” kaasoo “jecel caawinta bulshadiisa”.

“Runtii waa wakhti adag Booliska Galbeedka Australia,” Komishaner Col Blanch ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta maxaliga ah , isaga oo ku tilmaamay Mr Trimmer in uu ahaa ” nin dhalinyaro ah oo karti leh oo lahaa mustaqbal wanaagsan”.

“Waxa lasameeyay tallaabo kasta oo la isku dayayey in lagu badbaadiyo isaga, laakiin ma aysan noqon, waxaana ogahay in qof kasta oo xiriir la lahaa uu runtii aad u xanuunsaday xilligan.

Booliisku ma aysan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan sidi uu kiisku u dhacay iyagoo sheegayin kiiska ay baari doonaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here