Kanada oo dib u bilaabaysa taageeradii ay sii jirtay qaxootiga falastiin.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Kanada ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso lacagihii gargaarka ee ay siin jirtay UNRWA, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, kadib baaritaan lagu ogaaday in xubno ka mid ah ay ku lug lahaayeen weerarkii 7-dii October ka dhacay Israa’iil.

Kanada waxay ka mid ahayd 16 waddan oo hakiyay dhaqaalaha ka dib markii Israa’iil ay soo bandhigtay caddaymo rabshado ah oo ay geysteen shaqaalaha UNRWA.

Bayaanka Canada ayaa lagu sheegay in maalgelinta ay dib u bilaaban doonto inta ay socdaan baaritaanada lagu hayo xubnaha shaqaalaha.

Kanada waa ka 11-aad ee wax ku biirinta ugu weyn ku leh miisaaniyadda UNRWA, xogta 2022 ayaa muujineysa.

Go’aanka dib loogu bilaabayo maalgelinta ayaa waxaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku dhawaaqay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Ahmed Hussen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here