Shirweynaha Maamulada gobalada iyo degmooyinka Hirshabelle Oo Jowhar ka furmay

0
123

Jowhar (Radio Isnaay) – Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta furay shirweynaha maamullada  goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, guddoomiyaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, guddoomiyaasha degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe Axmed Meyra Makaraan (Axmed Faal) iyo Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin Sufurow ayaa munaasabada kajeediyay hadalo kooban oo ku aadan muhiimada Shirkan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahire Guure Karoore ayaa ka hadlay ujeedaha Shirka iyo qorshaha Wasaarada ay ka leedahay shirweynahan.

Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku dhawaaqay in uu furan yahayashirweynaha maamullada  goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle isagoona dardaaran ujeediyay Mas’uuliyiinta kaqeyb galeyso.

Warbixinta Warkan waxaa soojeedinayo :- Maxamed Abuukar Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here