Halyeey Liverpool Oo Dhaar Ku Maray In Mohamed Salah Uu Anfield Ka Tagayo Xagaaga

0
221

Jowhar-(Isnaay Radio)- Mohamed Salah waxa uu boqolkiiba 100 ka tagi doonaa kooxda Liverpool xagaaga soo socda iyadoo ay u badan tahay inuu ka degi doono horyaalka Sacuudiga sidaasi waxaa yiri halyeeyga Liverpool Mark Lawrenson.

Salah ayaa si xoogan loola xiriirinayay Al Ittihad xagaagii la soo dhaafay iyadoo laga diiday dalab afka ah oo gaarayay 200 milyan ginni maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxay taasi keentay in xiddiga reer Masar uu kooxda sii joogo, isagoo haatan kaalinta labaad kaga jira tartanka gooldhalinta Premier League madaama uu dhaliyay 14 gool.

Salah ayaa garoomada ka maqnaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii uu ku soo dhaawacmay tartanka Qaramada Afrika, laakiin haatan waxa uu ku dhow yahay taam ahaansho buuxda.

31 jirkaan ayaa qandaraas cusub u saxiixay Liverpool xagaagii 2022kii iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo 2025ka laakiin ilaa iyo haatan ma jiro hishiis cusub uu la gaaray Reds inkastoo ay jireen bishii November warar soo jeedinaya inuu qandaraas cusub saxiixayo.

Inuu lacag qaali ah ugu wareego horyaalka Sacuudiga oo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kubada cagta ayaa noqon karta mid uusan diidi karin.

Lawrenson oo shan horyaal iyo Champions League la qaaday Liverpool 1980meeyadii, ayaa aaminsan inuu jiro hishiis la isku raacay oo Salah u ogolaanayo inuu baxo xagaaga, iyadoo ay u badan tahay inuu ka dego Sacuudiga.

Lawrenson ayaa yiri: “Boqolkiiba 100, Mo Salah wuu ka tagayaa Liverpool xagaagan. Wax kasta oo dhaca xilli ciyaareedkan, wuuu baxayaa, waxaan aaminsanahay inuu jiro hishiis la gaaray xagaagii hore.

“Wuu bixi doonaa wuxuuna ka ciyaaraa Sacuudiga, waxaan rajeynayaa in Liverpool ay lacag badan ku hesho oo ay ku soo iibsato dhowr ciyaaryahan. Salah waxa uu boqor ka noqon doonaa Sacuudiga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here