Tababar Ku Saabsan Xuquuqda Carruurta Oo loo qabtey Culimada Baydhabo

0
78

Jowhar (Radio Isnaay)-Tababarkan ayaa inta uu socdo loogu doodi doono ilaalinta Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Caruuurta waxaana ka qeyb galaya Culimada Magaalada Baydhabo si ay Fikradahooda uga dhiibtaan iyo waxay diinta Islaamka ka qabto in la dhowro Xuquuqda Caruurta.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaabisey Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka KG oo mudooyinkii ugu dambeeyey wadey dadaalo sharci loogu sameynayo Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka dadka baahiyaha gaarka qaba iyo Caruurta iyadoo laga tala gelinaayey Bulshada qeybaheeda kala duwan

Warbixinta Warkan waxaa soojeedinayo:- Maxamed Nuur Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here