Xamaas oo dalbatay in Israel ay sii deyso hogaamiye Marwan Barghouti.

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Waxa ay Falastiiniyiinta qaarkood u arkaan Nelson Mandela-hooda, waana musharraxa ugu cadcad ee mustaqbalka noqon doona madaxweynahooda. Waa maxbuuska ugu magaca weyn eek u jira xabsiyada Israa’iil.

Hadda ayaa xorriyadda Marwan Barghouti waxa ay ka mid tahay qodobada wadaxaajoodka xabbad joojin dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil. Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa Jimcihii dalbaday in Israa’iil ay sii deyso Barghouti, oo ah hogaamiye ka tirsan kooxda Fatax ee ay Xamaas siyaasadda ku loollamaan, waxayna sheegeen in sii deyntiisu ay qeyb ka tahay heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayaa indhaha mar kale ku soo jeedinaya Barghouti, oo dowr muhiim ah ku leh siyaasada Falastiiniyiinta xitaa isaga oo muddo ka badan labaatan sano xabsiga ku jira. Siideyntiisa ayaa aasaas u noqon karta in ugu danbeyn loo doorto xafiiska qaran.

Xamaas ayaa sii deyntiisa dooneysa in ay dadweynaha taageero kaga kasbato, iyadoo sidoo kale u aragta Marwan in uu yahay shaqsi mideyn kara Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here