Toban Ciyaartoy Oo Ivory Coast Ah Oo Usoo Gudbay Semi-finalka AFCON.

0
165

Jowhar – ( Radio isnaay )  -Guushan oo ahayd musalsal ayaa waxa Ivory Coast oo qaybta hore casaan lagaga saaray difaacoodii laf-dhabarta ahaa ee Kossounou, isla markaana lagu dhigay rikoodhe ay iska badbaadiyeen bilowgii ciyaarta, sidoo kalena lagala hormaray gool ansax ahaa laakiin ay awoodeen inay iska soo bedaan oo ay ciyaarta ku qasbaan in waqti dheeraad ah lagu daro, taas ood hamaadkiina ay guusha ku xaqiijisteen.

Mali ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 17aad ee ciyaarta, waxaase ka khasaariyey Noss Traoré iyadoo kubadda uu gacanta la haleelay goolhaye Fofana.

Xulka Ivory Coast ayaa noqday 10 ciyaartoy markii casaan laga siiyey Kossounou daqiiqaddii 43aad, taas oo keentay in tababaruhu uu sameeyo isbeddel degdeg ahaa si uu difaaca u adkaysto, isaga oo saaray Nicolas Pepe.

Qaybta hore ayaa goolal la’aan kusoo dhamaatay, waxaase awoodda sare lahayd xulka qaranka Mali oo u muuqanayay inay doonayaan inay waqti horeba guusha qaataan.

Nene Dorgeles ayaa hoggaanka u dhiibay Mali daqiiqaddii 71aad, markaas oo kubbad uu meel fog ka toogtay uu ku hubsaday shabaqa, kaas oo ay filayeen inay guusha ciyaarta ku helayaan maadaama ay hal ciyaartoy dheeraayeen Ivory Coast, sidoo kalena ka ciyaar wanaagsanaayeen.

Dhamaadka ciyaarta oo ay hal daqiiqo ka hadhsan tahay, ayaa Simon Adingra uu goolka barbarraha u dhaliyey xulka Ivory Coast, taas oo keentay in lagu daro waqti dheeraad ah.

Ciyaartoyga casaanka lagaga saaray Ivory Coast waxa u buuxiyey taageereyaasha tirada badan ee garoonka fadhiyey, waxaana markii ay goolka dhaliyeen ay sii qaadeen dardar kale.

Iyadoo garsooruhu afka ku hayo siidhiga dhamaadka oo ay 120+2 marayso, ayaa Ivory Coast ay la timid goolka guusha oo uu u saxeexay Oumar Diakité, waxaanay sidaas ugu soo gudbeen wareegga semi-finalka.

Ciyaarta ayaa markii ay dhamaatay, waxa uu qas ka bilowday garoonka iyadoo ciyaartoyda Mali ay ku xoomeen garsooraha oo ay diiddanaayeen waqtiga uu ciyaarta dhameeyey oo ay ku dhowaayeen goolka Ivory Coast.

Garsooraha reer Masar ayaa dib iskaga riixay mid ka mid ah ciyaartoyda Mali, waxaase laga kari waayey oo uu casaan ku aamusiiyey Hamari Troure oo ciyaartoyda kooxdiisa ka muruxsaday isaga oo doonaya inuu la dagaallamo garsooraha.

Shaqaalaha garoonka ayaa garsooraha u kexeeyey qolka labbiska iyadoo laga horjoogo ciyaartoyda Mali oo sida muuqata ganaaxyo kala kulmi doona xidhiidhka kubadda cagta Afrika iyo FIFA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here