Muhaajiriin ku xayiran garoonka diyaaradaha Madrid ee dalka Spain

0
75

Jowhar – ( radio isnaay ) – Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Isbaanishka ayaa sheegay in dhowr boqol oo muhaajiriin magangalyo doon ah ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Madrid ee dalka Spain, ayna ku sugan yihiin xaalada xun, maadaama ay seexdaan “meel cariir ah oo aan munaasab ahayn”.

Muhaajiriintan oo inta badan ka yimid dalalka Senegal, iyo Morocco, ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa garoonka diyaaradaha ee Madrid ay ka sameysteen teendhooyin yar yar oo ay seexdaan, halka kuwo kalana ay ku nool yihiin xaalad ciriiri ah, ayaga oo dhex jiifta meelo aan nadiif ahayn.

Dadka muhaajiriinta oo qaar badan oo ka mid ah ay u socdaan dalalka Laatiin Ameerika si ay uga sii gudbaan Mareynkanka ayaa si caadi ah ugu nool gudaha garoonka, ayaga oo dharka ku dhaqda musqulaha caadiga ah ee garoonka ku yaal sida ay tilmaameen Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here