Maxaa Caawa Ka Dhacay Horyaalka Premier League?

0
203

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa caawa laga diiwaangeliyey dhacdooyin ciyaareed oo cajiib ahaa, iyadoo kubbad ashqaraar ah oo guul u horseedday Manchester City uu dhiibay Kevin De Bruyne oo ay kooxdiisu guul muhiim ah ka gaadhay Burnley, halka Tottenham ay guul soo laabasho ah kasoo ceshatay Brentford oo gool kala hormartay, ka hor intii aanay Liverpool xasuuqa u geysanin Chelsea.

Saddex ciyaarood oo waaweyn ayaa la dheelay horyaaoka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana isku mar garoomada soo galay kooxaha Man City vs Burnley iyo Tottenham vs Brentford.

Manchester City oo ogsoonayd inay kaalinta labaad kala bixi doonto Arsenal haddii ay guuleysato, isla markaana farqiga goolasha ay ku sarrayn doonto ayaa waxa garoonkeeda Etihad Stadium ay ku qaabbishay Bunley oo ay ku dubatay 3-1.

Laba gool oo uu dhaliyey weeraryahanka reer A1rgentina ee Julian Alvarez iyo mid uu ku daray khadka dhexe ee Spain ayaa Man City gacanta u geliyey guul ay u qalmaysay, waxaanay adduunyadu ka sheekaynaysaa baas uu bixiyey De Bruyne oo kubbad laad xor ahayd u taraarixiyey Alvarez iyadoo la filayey inuu kubadda madax saarayo, taas oo uu Alvarez ula tegay goolhayaha oo uu dhinaca midig ka dhigay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Man City ay leedahay 46 dhibcood oo ay isku mid noqdeen Arsenal, laakiin waxay kaalinta labaad kaga haysaa farqiga goolasha, iyadoo labadooduba ay min shan dhibcood u jiraan Liverpool oo hoggaanka haysa.

Tottenham ayaa waxa dhinaceeda ay guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford oo qaybta hore gool uu u dhaliyey Neal Maupay ciyaarta ku hoggaaminaysay, laakiin markii laga soo noqday waqtiga nasashada ay Tottenham is-raacisay saddex gool oo daran-doorri ah oo toddoba daqiiqadood gudahood ay ku dhaliyeen.

Destiny Udogie ayaa ciyaarta ka dhigay 1-1 daqiiqaddii 48aad, waxaana iyadoo aan dabbaal-deggaba laga soo noqonin oo kubaddii ay Tottenham isku taabatay isla markiiba loo dhaqaajiyey dhinaca goolka iyadoo Johnson uu shabaqa sudhay daqiiqaddii 49aad.

Richarlison ayaa keenay goolka saddexaad ee Tottenham daqiiqaddii 56aad, waana soo-laabasho cajiib ah iyo goolal tiro badan oo waqti kooban gudahood ku yimid.

Ivan Toney ayaa Brentford u keenay gool labaad, waxaase mid saddexaad oo ciyaarta barbarro ka dhigi lahayd lagu qaaday offside, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Tottenham.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Tottenham ay soo gashay kaalinta afraad oo ay kala baxday Aston Villa oo ay isku dhibco yihiin, halka Brentford ay iyaduna u dhacday kaalinta 15aad.

Ciyaarta kale ee weyn ee la sugayay waxay ahayd kulankii Liverpool iyo Chelsea oo ay kasoo baxday natiijo aan lagu sii darin saadaasha oo la iska dhaliyey tiro ka badan intii la filayay.

Liverpool ayaa 4-1 ku xasuuqday Chelsea oo ku hafatay garoonka Anfield, waxaana goolasha Liverpool qaybsaday Diogo Jota, Bradley, Szoboszlai iyo Diaz, halka goolka madiga ah ee Chelsea uu dhaliyey Nkunku oo kasoo noqday dhaawac.

Liverpool waxay hoggaanka horyaalka ku haysaa 51 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka horreysaa Arsenal iyo Man City oo min 46 dhibcood haysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here