Koonfur Afrika Oo Karbaashtay Dalkii La Saadaalinayey Ee Morocco

0
238

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Xulka qaranka Morocco ee aadka loogu saadaalinayay tartanka qaramada Afrika ayaa ku hadhay wareegga 16ka iyaga oo guul-darro bahdilaad ah kala kulmay Koonfur Afrika oo 2-0 ku garaacday kulan ay xulka Atlas ku dhamaysteen 10 ciyaartoy oo waqtigii dheeraadka ahaa casaan lagaga saaray Sofyan Amrabat.

Ciyaar musalsal ahayd oo si adag loogu dagaallamay isla markaana waddankii farta lagu fiiqayay ee Morocco ay iska khasaariyeen rikoodhe, casaan qaateen, sidoo kalena lumiyeen fursado badan ayaa waxa wareegga siddeedda ugu soo gudubtay Koonfur Afrika.

Natiijada ciyaartan oo lama filaan ku ahayd dad badan oo u qaadan waayey in Morocco oo la ogaa wacdarihii ay ka dhigtay Koobka Adduunka ay si fudud gacantooda ugu baxday Koonfur Afrika, ayaa waxa qaybta hore ay kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ahaa.

Daqiiqaddii 57aad ayaa kubbad uu dhaxda ka tuuray Zwane waxa xerada ganaaxa la galay Makgopa oo taas oo uu lugta bidix ku weydaariyey goolhaye Yassin Bono oo ahaa geesi garab waayey.

Ciyaarta ayaa loo qaatay inay barbarro noqonayso oo la isla tegayo waqti dheeraad ah illaa rikoodheyaalna ay kusii dhowaan doonto kaddib markii Morocco loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 85aad, hase yeeshee Achraf Hakimi oo kubadda birta ka jaray, kaddibna taageereyaasha u geeyey ayaa sidaas ku khasaariyey rikoodhaha.

Intaas kaddib waxa uu niyad-jab ku dhacay ciyaartoyda Morocco oo hore u wada baxay iyagoo illoobay difaacashada.

Daqiiqaddii 90+4 ee toban daqiiqadood oo waqtigii lumay ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaa murugo kale ay usoo hoyatay Morocco, waxaana qalad xun sameeyey Sofyan Amrabat oo kubbad lagala soo baxsaday difaacyahannada qalad badheedh ah sameeyey, si aan goolka looga dhalinin, waxaana lasiiyey casaan toos ah iyadoo Koonfur Afrika loo dhigay laad xor ah oo dhinac midig ee laabadka laynka xerada ganaaxa ah.

Amarabat oo casaankiisa laga soo hubiyey VAR, ayaa waxa laadkii xorta ahaa ee loo dhigay Koonfur Afrika gool u beddelay Mokoena oo shabaqa shudhay kubadda, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 2-1.

Morocco ayaa sidaas kaga hadhay tartanka Qaramada Afrika, waxaanay maanta isasii raacayaan oo ay Ivory Coast ka wada ambobixi doonaan Burkina Faso oo maanta ay 2-1 ku garaacday Mali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here