Macdanta dahabka ee Mali oo ay dad badan ku dhinteen

0
78

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ugu yaraan 40 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Waxay ku bilaabatay buuq, dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro Jimcihii laakiin tirada dhimashada lama soo sheegin ilaa hadda.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa saraakiil ayaa sheegtay in in ka badan 70 qof ay dhinteen.

Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah.”

Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dhimashadu ay ka badan tahay 40 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here