Bangiga Horumarinta Afrika oo soo celinayo shaqaalihii uu ka saaray Itoobiya

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bangiga Horumarinta Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u soo celinayo shaqaalihiisa caalamiga ah ee dalka Itoobiya. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii bangigu uu shaqaalahoodii ka saaray dalka sababo la xiriira weerar ay ku qaadeen ciidamada amaanka Itoobiya. Bankiga Qaaradda ayaa cambaareeyay garaacista iyo tacadiyada loo geystay shaqaalahooda, isagoo sheegay inay xadgudub ku tahay xuquuqda dublamaasiyadeed. Go’aankii ugu horeeyay ee lagu saaray shaqaalaha ayaa la gaaray December 10, 2023.

Si kastaba ha ahaatee, bil ka dib, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka noqday go’aankaas ka dib markii uu raaligelin ka bixiyay dhacdada. Hay’adda Maaliyadda Qaaradda ayaa hadda ku dhawaaqday in xiriirkii ay la lahayd Itoobiya dib loo soo celiyay laga bilaabo Jimcaha, Janaayo 10, 2024.

Baanka Horumarinta Afrika ayaa saddex bilood ka hor shaqaalaheedii caalamiga ahaa ka raray Addis Ababa, ka dib markii ay ciidamada ammaanka ee dawladda Itoobiya xabsiga u taxaabeen laba ka mid ah shaqaalahooda. Bangiga ayaa codsaday in baaritaan lagu sameeyo weerarka mana uusan helin wax jawaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here