Xildhibaanad lagu eedeeyay inay dukaamo alaab ka xadday oo is casishay

0
35

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xildhibaanad u dhalatay dalka New Zealand ayaa is casishay kaddib markii dhowr jeer lagu eedeeyay inay dukaamo alaab ka xadday, taasoo uu booliisku baarayo.

Golriz Ghahraman, oo ka tirsan Xisbiga Green, ayaa la sheegay inay saddex jeer alaab ka xadday labo dukaan oo dharka iibiya – mid wuxuu ku yaallaa Auckland halka kan kalena uu ku yaallo Wellington.

Xildhibaannaddan oo qareen xuquuqda aadanaha u doodda hore uga ahayd QM ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2017 kaddib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaxooti ah oo ka mid noqotay dowladd.

Waxay sheegtay in cadaadis ka heystay dhanka shaqada uu sabab u yahay inay sidan u dhaqanto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here