Xulka Mali Oo Garaacay Xulka Koonfur Africa

0
154

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xulka Qaranka Mali ayaa Garaacay Xulka Koonfur Africa kulan ka tirsanaa tartanka Koobka Africa.

Kulanka ayaa ahaa mid ah labada xul kala qaybsadeen labada qayb ciyaarta.

Xulka Koonfur Africa ayaa ahaa xulka fiican iyaga oo samaynayay fursado badan.

Xulka Koonfur Africa ayaa xitaa helay rikoodhe laakiin way iska khasaariyeen.

Qaybta dambe ayuu xulka Mali ahaa midka fiican iyaga oo dar-dar la soo galay ciyaarta.

Daqiiqadii 60-ayuu xulka Qaranka Mali dhaliyay Goolka waxana h dhaliyay Xiddiga Hamari Traoré kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana k dhigay 1/0.

Xulka Mali ayaa daqiiqado yar kadib dhaliyay Goolka 2-aad waxana u dhaliyay Xiddiga Lassine Sinayoko kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaaday ciyaarta oo uu xulka Mali gaadhay guul muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here