Sicir bararka Nigeria oo gaaray halkii ugu sareysay.

0
42

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Siciriir bararka Nigeria ayaa gaaray halkii ugu sareeyay in ka badan 27 sanadood.

Xafiiska tirikoobka qaranka ayaa sheegay in sicir bararka uu sare u sii kacayay sanadkii la soo dhaafay oo dhan ilaa uu gaaray in uu socdo 12 bilood.

Celcelis ahaan qiimaha badeecadaha ayaa kor u kacay in waxyar ka hooseysa 29% marka la barbardhigo sanadkii la soo dhaafay

Xafiiska tirokoobka wuxuu sheegay in ay aad u kordheen qiimaha cuntooyinka aasaasiga sida rootiga, qudaarta, iyo ukunta.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in shidaalka oo qaali ah iyo lacagta Neerada oo awoodeeda hoos u dhacday ay qeyb ka yihiin dhibaatada.

Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Bola Tinubu wuxuu bilaabay tallaabooyin dhaqaalaha dib loogu qaabeynayo. Wuxuu meesha ka saaray kabidda shidaalka iyo in uu hoos u dhigo qiimaha lacagta si uu isugu dayo in uu soo celiyo kobaca dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here