Pep Guardiola Oo Digniin U Diray Arsenal Iyo Liverpool Kadib Guushii Kooxdiisa Ee Newcastle.

0
201

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa Fariin u diray Kooxaha Arsenal iyo Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Newcastle.

Kooxda Man City ayaa daqiiqadihii geerida 3/2 kaga badisay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Man City ayaa la filayay in laga badiyo marka la eego qaab ciyaareedka ay soo bandhigtay ilaa 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta.

“Kooxdaan waa gaajaysan tahay waxayna dooneysaa inay markale ku guuleysato horyaalka premier League”ayuu Guardiola yidhi.

Kadib guusha kooxda Man City ayaa kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here