Wasiirkii hore ee caddaaladda ee Liberia oo xabsi daa’in lagu xukumay

0
113

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xeer Ilaaliyihii hore ee dalka Liberia, ahaana wasiirkii cadaalada Gloria Maya Musu-Scott ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay dambi ah in ay dishay qof ehelkeeda ah.

Xaakimkii hore ee Liberia iyo siyaasiga ayaa caan ku ah u halgamidda xuquuqda haweenka.

Waxaa la fahamsan yahay in Mussoo-Scott oo 70 jir ah oo hadda xabsiga ku jirta ay racfaan ka qaadan doonto si xukunka looga tuuro.

Garsooraha maxkamada ayaa wasiirka hadda shaqada ka fariistay ku helay danbi ah in ay dishay Carlo Musu oo 29 jir ahaa.

Maxkamadeynta ayaa la dhageystay Mussoo-Scott iyo saddex dumar ah oo kale, “si ula kac ah waxay dhaawac halis ah ugu geysteen qofka dhintay” bishii Juun ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here