Cudurka Kansarka oo laga helay xogahayaha difaaca Mareykanka

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – xoghayaha difaaca mareykanka oo dhawaan la dhigay isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka ayaa laga helay kansarka borostatada.

Caabuq ayaa sababay in Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka.

Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada.

Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka sarreeya madaxweynaha marka la eego dhanka taliska milatariga Mareykanka, wuxuuna ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan golaha madaxweynaha. In aan arrintan la ogeysiin Aqalka Cad ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka qaranka ah iyo inay hubinti la’aan ka dhex jirto maamulka Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here