Wasiirkii hore oo Gambia oo lagu maxkamadeynayo dalka Switzerland

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taal dalka Switzerland ayaa waxaa ka socota dacwad loo haysto wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Gambia, kaas oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Ousman Sonko ayaa wajahaya tax dheer oo dacwado ah, oo ay ku jiraan inuu ka qayb qaatay, ama amray, dilka, jirdilka iyo kufsiga dadka ka soo horjeeda siyaasadda. Dhammaantood eedaymaha wuu diiday.

Ousman Sonko ayaa u baxsaday dalka Switzerland sanadkii 2016-kii, wax yar ka hor intii uusan xukunka dalkaasi luminin nidaamkii caburinta ahaa ee madaxweynaha Gambia Yahya Jammeh.

Waxaa la xiray ka dib markii hay’ad aan dawli ahayn ay madaxda Switzerland u soo bandhigeen cadeymo muujinaya ku lug lahaanshahahiisa xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here