Chelsea Oo garaacday Preston Iskana Xaadirisay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka.

0
241

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa garaacday preston iyaga oo iska xaadiriyay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Chelsea ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Preston North End, kadib markii ay afar gool iyo waxba kaga badisay kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee FA Cup-ka.

Chelsea ayaa sugtay ilaa 58 daqiiqo si ay goolka furitaanka u dhaliso waxaana u dhaliyay Armando Broga.

Ciyaaryahan Thiago Silva ayaa daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta goolka 2-aad u dhaliyay kooxda Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling.

Enzo Fernandes ayaa daqiiqadi 85-aad ee ciyaarta soo gabagabeeyay goolasha waxana uu dhaliyay goolkii 4-aad ee kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here