Xaaska Madaxweyne Museveni oo laga helay xanuunka Covid-19.

0
105

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in xaaskiisa, ahna marwada koowaad laga helay xannunka Covid-19.

Qoraal uu madaxweynuhu soo dhigay bartiisa tweeter-ka, ayuu ku sheegay in xaaskiisa, Maama Janet laga helay xannuuka kadib laba baaritaan oo ay martay.

Maama Janet oo 75 sano jir ah ayaa haatan ku jirta karantiil, waxayna astaamaha cudurkan dareentay kadib dabaaldagii ciidii masiixiyiinta.

Xaaska madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale ah wasiirka waxbarashada iyo cayaaraha ee dalkaas Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here