Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Aston Villa

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Aston Villa kulan xiiso lahaa.

Aston Villa ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo dhinac walba kaga yimid Man United.

Daqiiqadii 21-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga John McGinn kaas oo ciyaarta u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Aston Villa ayaa sii waday dadaalka iyaga oo sii waday samaynta fursadaha ay ku doonayaan goolasha kale.

Daqiiqadii 26-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Leander Dendoncker kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Qaybtii dambe ayay Man United ku bilaabatay si waali ah iyaga oo u muuqday kuwa ka duwan qaybtii hore waxana ay Aston Villa ku qaadayeen weeraro halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here