Hordhac: Man United Vs Aston Villa

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda Aston Villa kulan ka dhacaya Old Trafford kana tirsan horyaalka premier League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u baahan guul kadib markii ay si weyn ugu dhibaatootay kulamada xilli ciyaareedkan.

Aston Villa ayaa dhinaceeda kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kadib guushii ay gaadhay kooxdu.

Kulanka: Man United Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaa badisay 38 ka mid ah 56 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Aston Villa,waxana ay barbaro gashay 13 kulan halka laga badiyay 5 kulan.

Villa ayaa labo guul ka gaartay afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaartay United, taasoo ah inta ugu badan ee ay soo aruuriyeen 51-kii kulan ee hore ee ay ka horyimaadeen.

Manchester United ayaa laga yaabaa in saddex kulan oo isku xigta laga badiyo Old Trafford markii ugu horaysay tan iyo October 1962 markaas oo uu hogaaminayay Sir Matt Busby.

Kooxda Erik ten Hag ayaa laga badiyay afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaaraan garoonkooda, iyagoo badiyay seddexdii kulan ee kale.

United ayaa laga badiyay 13 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana guuldaradii ugu badneyd ka hor Christmas-ka tan iyo 1930kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here