Arday udhalatay Kuuriyada Koonfureed oo dacweynaya dowladooda.

0
69

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kuuriyada Koonfureed koox arday ah ayaa dacwad ka gudbisay dowladda sabab la xiriirta in imtixaankooda mid ka mid ah maaddooyinka uu dhamaaday 90 ilbiriqsi ka hor xilligii loo qorsheeyay.

Waxay codsanayaan in arday kasta la siiyo 15 kun oo doolar oo ah kharashka waxbarashada hal sano si ay dib ugu galaan imtixaan kale.

Qaladkaas ayaa saameeyay dhammaan imtixaanaadkii kale ardayda, ayuu yiri qareenkooda.

Imtixaanka Kuuriyada Koonfureed oo loo yaqaano Suneung waa mid ka mid ah imtixaanada ugu adag adduunka.

Natiijadii imtixaankii sanadkan ayaa la soo saaray 8-dii December.

Dacwadan oo ay gudbiyeen ugu yaraan 39 arday Talaadadii, ayaa waxay ku andacoonayaan in gambaleelka uu goor sii horeysay ka dhacay goob imtixaan oo ku taal caasimadda Seoul intii lagu guda jiray maadadii koowaad ee imtixaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here