John Terry Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Man City Ku Garaaci Karta Champions League

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeeyga Chelsea John Terry ayaa doortay kooxda uu aaminsan yahay inay ka badin karto Manchester City si ay ugu guuleysato Champions League xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa ku guulaysatay koobkeedii ugu horeeyay ee Champions Leaque xilli ciyaareedkii kadib markii ay 1/0 kaga badisay kooxda Inter Milan.

Manchester City ayaa u sharaxan in ay ku guulaysato koobka Champions League markii labaad xili ciyaareed kaan waxayna si sahlan ku soo baxday Group-keeda kadib markii ay garaacday Leipzig, Young Boys iyo Red Star Belgrade.

Manchester City ayaa ku dhibtooneysa inay dib u soo ceshato heerka ay ku heysay horyaalka Premier League maadaama ay badisay kaliya hal guul lixdii kulan ee ugu dambeysay.

Terry oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa in aad eegto Real Madrid”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxay ahaayeen kuwo cajiib ah todobadii ama siddeedii sano ee la soo dhaafay ee tartanka, mar walbana waxay ku jiraan wareegyada ugu dambeeya.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxan u malaynayaa in Jude Bellingham uu yahay aad u fiican, waxa ay haystaan ​​tababare weyn, waxa aan ka soo wada shaqeeyay Carlo Ancelotti wakhtigii Chelsea, waana tababare weyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here