Shantii Rikoodhe Ee La Diiwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Ee Aan Goolka Dhalinin Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal & Brighton

0
158

Jowhar-(Isnaay Radio)-  Arsenal waxay 2-0 ku burburisay Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, iyadoo labada goolba qaybtii labaad ay kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kai Havertz, kuwaas oo si fudud uga takhalusay Brighton oo si adag u dagaallantay balse ay Arsenal awood u sheegatay.

Pascal Gross ayaa Arsenal ka khasaariyey kubbad gool loo fishay oo ciyaarta uu ku dili karayay, ka hor intii aanu Kai Havertz dhamaystirin goolka labaad ee Gunners.

Intii ay ciyaartu socotay, waxay Arsenal goolka toogatay 26 jeer oo ay laba kaliya shabaqa gaadhay, waxaanay ahayd mid ka mid ah bandhigyadii ugu wanaagsanaa ee ay Arsenal samayso muddooyinkan dambe.

Rikoodhadii laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Arsenal lagama badninin 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ee ay ku ciyaartay garoonkeeda, kuwaas oo 11 ka mid ah ay guuleysatay, laba kalena ay barbarro gashay.  Waxa ugu dambaysay in lagaga badiyo Emirates Stadium markii ay taariikhdu ahayd December 2018.
  • Kai Havertz ayaa dhaliyey afar gool toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee uu Arsenal u saftay ee dhamaan tartamada, halka 40kii ciyaarood ee ka horreeyey ee Chelsea iyo Arsenal uu usoo wada ciyaaray uu dhaliyey afar gool.
  • Mikel Arteta ayaa markii afraad la siiyey kaadh huruud ah horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan. Ma jiro tababare kale oo intaas oo kaadh qaatay xilli-ciyaareedkan.
  • Brighton waxay ku guul-darraysatay inay gool ka dhaliso horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo February 18, waxaana ay Arsenal soo afjartay 32 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo ay Brighton goolal ka dhalinaysay horyaalka Premier League.
  • Markii ugu horreysay 49 ciyaarood oo Premier League ah, tababare Roberto De Zerbi ayay kooxdiisa Brighton awoodi weyday inay hal marna toogato goolka qaybtii hor, halka iyagana 15 jeer goolkooda ay Arsenal toogatay 45kii daqiiqadood ee qaybta hore.

Xiddigii garoonka

Telefishanka baahinayey ciyaarta ee Sky Sports, waxa uu u doortay xiddigii ciyaarta Bukayo Saka, laakiin waxa iyaguna u qalmayay oo ay isku qiimayn ahaayeen Kai Havertz, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli. Sidoo kale, Declan Rice ayaa la wadaagay qiimayntan.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Arsenal: Raya (7), White (7), Saliba (7), Gabriel (7), Zinchenko (7), Rice (8), Odegaard (8), Havertz (8), Saka (8), Martinelli (8), Jesus (8).

Kaydka: Nketiah (7), Trossard (6), Smith Rowe (6), Nelson (6), Kiwior (6).

Brighton: Verbruggen (6), Milner (5), Dunk (7), Van Hecke (6), Veltman (6), Gilmour (6), Gross (6), Lallana (6), Mitoma (6), Adingra (6), Ferguson (5).

Kaydka: Hinshelwood (7), Pedro (7), Buonanotte (6), Julio (6), Welbeck (6).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here