Chelsea Oo Guul Gaartay & Man City Oo Bar-Baro Lama Filaan Ah La Gashay Crystal Palace.

0
169

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa guul muhiim ah oo fududayd ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsnaa premier League.

Kulanka ayaa ku bilowday iyada oo ayna labada kooxoodba wax weeraro halis ah qaaday iyada oo Goolhayaha Sheffield fursadii ugu horaysay ka badbaadiyay chelsea daqiiqadii 15-aad kadib markii uu Conor Gallagher tijaabiyay nasiibkiisa.

Mykhailo Mudryk ayaa daqiiqadii 23-aad laad xoogan ku laagay Goolhayaha Sheffield laakiin ma jirin wax fursad oo weyn oo ay labada Goolhaye mareen ka hor inta uuna Jackson khasaarin fursad cadaan ah daqiiqadii 40-aad.

Xiddigaha Kooxda Sheffield United ayaa daafac galay iyaga oo qaybta hore ka baxay iyada oo aan wax gool ah laga dhalin.

Qaybta dambe ayay kooxda Chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyada oo xiddiga Cole Palmer dhaliyay goolka furitaanka ee kooxdiisa.

Daqiiqadii 62-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa sii waday dhibco luminta waxana ay bar-baro la galeen kooxda Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here