Bayern Munich Oo Garaacday Man United.

0
132

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Bayern Munich ayaa garoonka Old Trafford ku xasuuqday kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si taxadar leh, waxaana daqiiqadihii ugu horeeyay ay dhaafeen halis la’aan, Harry Kane ayaa halistiisa koowaad la yimid darbo uu ku tuuray cidhifka xerada ganaaxa, isagoo kubad dabamariyay goolhaye Onana daqiiqadii 11-aad.

Onana ayaa mar kale soo laabtay waxana uu joojiyay laad xoogan oo uu ku laaday Kimmich daqiiqadii 14-aad.

ciyaarta ayaana la hakiyay in muddo ah si loo daweeyo Musiala daqiiqadii 18-aad Manuel Neuer ayaa u muuqday inuu ka hortagay kubad xoogan oo uu soo tuuray Luke Shaw daqiiqadii 24-aad iyo qeybta hore ee ciyaarta.

Waxa gool la’aan ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala nasteen natiijo 0/0 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa Ten Hag lagu qasbay in uu isbadal cusub sameeyo iyada oo Luke Shaw ciyaarta laga saaray sabab la xidhiidha dhaawac.

Bruno Fernandes ayaa kubad ku laagay Goolhaye Neuer daqiiqadii 54-aad laakiin wax halis ah kuma keenin Goolhayaha Bayern.

Daqiiqadii 71-aad ayuu Coman ku guuleystay inuu dhaliyo goolka 1-aad ee ciyaarta ka dib markii uu ka faa’ideystay baas cajiib ah oo uu ka helay Harry Kane.

Ten Hag ayaa sameeyay is badalo si uu ciyaarta wax uga badalo laakiin wax saamayn ah kumay yeelan ciyaarta.

Natiijadan, Bayern Munich ayaa ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group-ka iyaga oo leh 16 dhibcod halka ay Man United si guud uga hadhay dhamaan tartamada yurub inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa guul 3/2 ah ka gaadhay Union Berlin waxana ay guul ku soo xidheen wareega Group-yada tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here