Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Kala Kulantay Aston Villa.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Aston Villa.

Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Villa Park.

“Natiijada. Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay qaabkii ay kooxdu garoonkan ugu ciyaartay, Waan u qalanay inaan badino ciyaarta laakiin waa inaad ku fiicnaato dilinta ganaaxa sidoo kale nasiibku ku caawiyo”ayuu Arteta yidhi.

Wixii aan sax ahayn: “Taasi waxay ahayd mid ka mid ah waxyaalihii [ku guuldareysiga in kubbadda la dhigo shabaqa]. Gaar ahaan qaybtii danbe ee ciyaarta waxa aanu luminay fursado badan, waxa aanu luminay kubado badan”.

“Waxa aanu doonaynay in aan si deg-deg ah u weerarno Aston Villa sababta oo ah waxa ay galeen daafac laakiin waxa aan qaban karnay wax ka fiican wixii aan qabanay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here