Haweenay lagu xukumay arrin la yaab leh.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney kasoo jeedda gobolka Ohio ee Maraykanka oo lagu helay inay raashin ku dhufatay shaqaale ka tirsan shirkadda cundada fudud ee Chipotle ayaa la siiyay hab aan caadi ahayn oo lagu dhimo waqtigeeda xabsiga.

Garsooraha ayaa amar ku bixiyay Rosemary Hayne oo 39 jir ah, inay ka shaqa bilowdo shaqada cuntada degdegga ah ee ay ka shaqaynaysay dulmanaheedu.

Hayne ayaa laga soo duubay muuqaal faafay oo ay ku qaylinayso shaqaale ka tirsan Chipotle ka hor inta aanay cuntadii wajiga kaga dhufay shaqaalaha.

Markii hore, waxaa loo qorsheeyay in ay bixiso ganaax lacageed kuna qaadato 180 maalmood oo xabsiga, iyada oo 90 maalmoodna la xannimabayo.

Mr Gilligan ayaa u sheegay Hayne in laga jari karo 60 maalmood oo xabsiga ah haddii ay ogolaato inay ugu yaraan 20 saacadood ka shaqeyso makhaayad cunto degdeg ah muddo laba bilood ah, Wayna aqbashay.

Dhacdadii 5tii Sebtembar waxaa duubay qof ka ag dhawaa, kaas oo muuqaalka soo dhigay barta ay bulshadu ku xariirto ee Reddit, halkaas oo uu ka noqday mid baaha.

Maxkamadda dhexdeeda, Hayne ayaa raaligelin ka bixisay oo isku dayday inay sharaxdo sababta ka dambaysa inay ku qayliso shaqaalaha Chipotle, Emily Russell oo 26 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here