Haweeney lagu eedeeyay inay cunuggeeda badda ku tuurtay oo lasoo qabtay

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Booliiska Kenya ayaa soo xiray haweeney lagu eedeeyay inay shalay cunuggeeda oo siddeed bilood jiray ku tuurtay Badweynta Hindiya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in haweeneyda ay ilmaha kasoo tuurtay gaari marayay magaalo-xeebeedka Mombasa.

Muuqaalka dad cunugga kasoo badbaadinaya badda ayaa aad ugu baahya baraha bulshada, iyadoo dad badan oo Kenyaan ah ay caro u qaadeen haweeneyda.

darawallo badbaadinayay ku ridday badweynta

Ilmahan oo gabar ah ayaa loola cararay xarunta Laanqeysrta Cas halkaasoo lagu daweynayay, iyadoo hooyadana la geeyay saldhigga booliiska, sida ay baahiyeen telefishinnada gaarka loo leeyahay ee K24 iyo Citizen TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here