Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Sofyan Amrabat

0
167

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Man United ayaa u muuqata mid durba ka maarmaysa xiddiga  Sofyan Amrabat kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fiorentina suuqii xagaaga.

Erik Ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uuna ku qancin qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe waxana uu diyaar u yahay in uu iska diro xiddiga mara uu furmo suuqa January.

Xiddiga reer Morocco ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii xagaaga.

Sida laga soo xigtay The Guardian, maamulka Man United ayaa ka walaacsan qaab ciyaareedka xiddiga khadka dhexe tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Amrabat ayaa kaliya ku bilowday 7 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu mararka qaar ka ciyaaray daafaca Bidix ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here