Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxaha Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in shan ama lix kooxood ay u tartamaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Hadalka Guardiola ayaa yimid ka hor kulanka soo socda ee Liverpool, kaasoo ka dhici doona Etihad Stadium, kaasoo ka tirsan wareega seddexaad iyo tobnaad ee kulamada.

Kooxda Manchester City ayaa hadda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ka sarreysaa Liverpool iyo Arsenal.

Mar la weydiiyay hadii uu u maleynayo in Liverpool ay tahay khatartooda ugu weyn, Guardiola ayaa ku jawaabay hadallo lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee kooxda: “Xaqiiqdii, waxaan u maleynayaa in Arsenal ay sidoo kale ahaan doonto, aad ayey u xoogan yihiin, Tottenham, inkastoo laba guuldaro soo gaadheen kulamadii ugu dambeeyay aad bay u xoog badan yihiin”.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa jirta Chelsea, oo hal kulan ciyaareysa toddobaad kasta (kuma jirto Yurub), marka waxaa jira afar ama shan koox oo ku tartamaya horyaalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here