Man United Oo 10 Xiddig Iska Iibinaysa Suuqa Soo Socda.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay samayso nadiifin weyn isla markaas iska iibiso ugu yaraan 10 xiddig labada suuq ee soo socda.

Ka dib bilow adag oo xilli ciyaareedkan Erik ten Hag ayaa doonaya in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxdiisa xilli ay kooxdu milkiile cusub yeelanyso.

Iyada oo Ratcliffe iibsanayo kooxda Man United waxa la filayaa in uu is badal ku sameeyo kooxda Man United.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 10 xiddig labada suuq ee soo socda.

Liiska waxa ku jiea xiddiga Jonny Evans, Raphael Varane, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka, Scott McTominay, Caseimiro, Christian Eriksen, Anthony Martial, Tom Heaton & Hannibal Mejbri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here