Gabar qaliin is qurxin ah u aaday Turkiga oo dhimatay intii qalliinku socday

0
70

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabar u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Melissa Kerr ayaa aaday isbitaal ku yaala dalka Turkiga si qalliin loogu sameeyo qeyb kamid ah jirkeeda.

Gabadhan 31 sano jirka aha ayaa halkas u aaday in qalliin loogu sameeyo simaha ama miskaha oo loo weyneeyo balse waxaa ay u dhimatay qalliinkaas ay ku martay isbitaal gaar loo leeyahay.

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay mas’uuliyiinta Turkiga kala hadli doonto arrintan gaar ahaan tallaaboooyinka loo maro iyo sharciga ka dhanka ah qalliinka quruxda la xirriira.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Britain ayaa sheegtay inay ku howlanyihiin arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here