Finland oo go’aan ka gaareysa muhaajiriinta soo galaya dalkeeda

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Finland ayaa sheegtay inaysan suurtogal ahayn inay celiso magangalyo doonka aanan u qalmin in dalkaas magangalyo laga siiyo, waxayna sheegtay inay xannibaad dheeri ah saari doonto meelaha ay muhaajiriintu kasoo galaan ee Ruushka kaddib marka ay kordheen tirada dadka dalkaas galaya.

In ka badan 500 oo magangalyo doon ah oo kasoo jeeda, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay tegay Finland – oo ka tirsan Midowga Yurub – iyagoo sii maraya Ruushka.

Arrintan ayaa xukuumadda Helsinki ku kalliftay inay xirato xudduudaheeda iyadoo ku eedeysay Moscow inay muhaajiriinta u oggolaaneyso xadkeed.

Moscow ayaa beenisay eedeyntaas.

“Musaafurinta muhaajiriinta aanan u qalmin magangalyo ayaa suurtogal noqon weyday, marka gelidda xadka waxay micnaheedu tahay inaad dalkaas joogi karto haddii aad dooneyso,”ayuu yiri Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto mar uu booqasho ku joogay Poland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here