Eduardo Camavinga Oo Ku Biiray Liiska Xiddigaha Ka Dhaawacan Real Madrid .

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa usoo yeedhay war aad uga nixinaya oo u sheegaya in garoonka tababarka xulka qaranka Faransiiska laga saaray isaga oo dhaawac ah, waxaana muuqaallo lasoo bandhigay ay muujinayaan laacibkan oo dhulka fadhiya oo lagu urursan yahay.

Wariyaha ciyaaraha Loic Tanzi ayaa waxa uu sheegay, in Eduardo Camavinga oo 21 jir ah uu uu ka dhaawacmay jilibka, waxaana laad ku dhuftay Ousmane Dembele oo ay kubadda ku xafiiltamayeen.

Eduardo Camavinga ma aanu awoodin inuu sii wato tababarka, waxaana dhaawaciisa la tacaalay dhakhaatiirta xulka qaranka Faransiiska ka hor intii aan laga fasixin tababarka.

Kubbad-burburiyaha Real Madrid ayaa waxa sawirro laga qaadi doonaa Khamiista, waxaana shaki uu ku jiraa in uu qayb ka noqon doono ciyaarta Gibraltar ee isreeb-reebka Euro 2024, inkasta oo ay jirto rajo uu Didier Deschamps ka qabo inuu usoo laaban karo ciyaarta Giriigga.

Loic Tanzi ayaa waxa kale oo uu sheegay, in dhaawaca Eduardo Camavinga  aanu u muuqanin mid halis ah, taas oo culayska ka fududaynaysa Real Madrid oo uu illaa sannadka cusub dhaawac kaga maqnaanayo Aurelien Tchouameni taas oo ka dhigan in Eduardo Camavinga uu yahay kubbad-burburiyaha kaliya ee ay haysato Real Madrid waqtigan.

Laacibkan oo toddobaadkii hore saxeexay heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2029, ayaa waxa uu Real Madrid u saftay 17 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkan socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here